4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 6 , 2017
Al-shabaab oo Afar ruux ku dishay deegaan ka tirsan degmada Lamu ee dalka Kenya

 

Arbaco, September, 06, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya dalka ayaa sheegaya in afar ruux oo u dhashay dalka Kenya lagu diley deegaanka Lamu, waxaana dilka Afarta ruux lagu eedeeyay in ay geysteen Ururka Alshabaab.

Dadka oo la sheegay in qoorta laga jaray ayaa meydadkooda ayaa laga helay xaafad ku taala deegaanka Lamu ee dalka Kenya iyadoo halkaas ay gaareen ciidamo ka tirsan Booliska dalkaasi.

Deegaanka Lamu ayaa ka mid ah goobaha ugu badan ee ay Al-shabaab ka howlgalaan waxaana dhowr jeer hore sidan oo kale loogu diley deegaanka Lamu dad isugu jira rayid iyo ciidamo.

Al-shabaab ayaa weeraro joogto ah ku haya wadanka Kenya iyagoo ka soo horjeeda ciidamada Kenya ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Dilka dadka Kenyaan ah ayaa imanaya xili mar kale Kenya isku diyaarineyso doorashada madaxtinimada dalkas oo ku celis ah, waxaana soconaya olole doorasho oo aad u ballaaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]