4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 6 , 2017
Ciidanka Amniga Somaliland oo xalay goor dambe gurigiisa kala baxay Wadaad ka caan ah Hargeysa

 

Arbaco, September, 06  2017 (HOL)- Ciidamada amniga Somaliland ayaa xalay hawlgal ay sameeyeen ku soo qabtay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo lagu eedeeyey inuu ku kacay falal amniga ka dhan ah.

Taliye ku xigeenka Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in wadaadkan ka hor yimid dhallinyaro dhawaan lagu qabtay iyagoo ku gudda jira tababar dab shid ah oo loogu tababarayey in ay falal argagixiso ah ka fuliyaan Somaliland, waxaanu sheegay in dhalinyaro aan waxba gaysan la iska xiray.

“Ciidamada amnigu waxay hawlgal ku soo qabteen xalay Sheikh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo khatar ku hayey amniga qaranka iyo shacabkaba, isagoo abaabulay kana been sheegay hawlgal ciidanka boolisku ku soo qabteen dhalinyaro badan oo tobabaro ku samaynayey duleedka magaaladda looguna tallogalay inay fuliyaan falal qaranka ku liddi ah”ayuu yidhi taliye ku xigeenka booliska Fooxle.

Taliye ku xigeenku waxaa kale oo uu sheegay in xalay markii la qabanayey wadaadkan uu iska caabin kaga hor yimid ciidamada isagoo soo abaabulay dhalinyaro ciidamada shiid iyo dhagaxaan kala hor yimid.

Si kastaba ha ahaatee, ciidanka booliska ayaa sheegay in hawlgal ay toddobaadyadan samaynayeen ku soo qabqabteen dhalinyaro looga shakisan yahay inay doonayeen inay hawlgalo argagaixiso ah ka fuliyaan magaaladda, waxaanay sheegeen in maxkamadda sharciga la hor geyn doonno.

Wadaadkan Sheekh Aadan Sunne ayaa dhawr jeer oo hore la xdihay, iyagoo lagu eedeeyey inuu waddo khalkhalgalin amni.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.