4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 6 , 2017
Maamulka degmadda Buur-hakaba oo sheegay in ay la wareegeen Tuulo ay maamulayeen Al Shabaab

 
Arbaco, September, 06, 2017 (HOL) –Maxamed Xasan Fiidow Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Buur-hakaba ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM, ay la wareegeen tuulo ay Al Shabaab lacagu ku qaadan jireen, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidanka iyo kuwa Al Shabaab, ayaa dagaal xooggan waxaa uu ku dhexmaray tuulada, oo dhacda duleedka degmadda Buurhakaba ee Gobolka Bay.

Md. Fiidow, ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaadeen Tuulada, ugu dabeyna ay u suuragashay in ay la wareegaan.

Waxa uu sheegay in ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom kolkii ay u ruqaansadeen Tuulada in Al-Shabaab ay ka war heleen kadibna ay isaga baxeen dagaal kooban kaddib, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada, ayaa hadda howlgallo aminga lagu xaqiijinayo ka wadda gudaha tuulada, waxaana la sheegay in Al Shabaabkii isaga baxay tuulada ay ku suganyihiin daafaha tuulada, iyadoo mar kasta la filan karo dagaal in uu ka dhaco tuulada.

Maamulka degmadda Buur-hakaba ee Gobolka Bay, ayaa dhawaanadii lasoo dhafay waday dhaq-dhaqaaqyo ay ku doonayeen in ay kala wareegaan tuulooyin dhaca duleedka degmadda, halkaas oo ay Al Shabaab maamulaan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia