4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 6 , 2017
Ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda Kenya oo howlgallo ka wadda Magaalladda Dhoobleey

 
Arbaco, September, 06, 2017 (HOL) –Ciidamada maamulka Jubaland iyo kuwa dowladda Kenya ee ka tirsan howlgalka AMISOM, ayaa maanta howlgallo ka wadda Magaalladda Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe Magaalladda Dhoobleey, ku dilay saddex muwaadin oo u dhalatay dalka Kenya.

Muwaadiniinta Kenyanka ee la dilaya ayaa waxaa ay ahaayeen Injineero dhanka dhismaha u qaabilsan Ciidanka Kenya ee ku sugan Magaalladda dhoobleey.

Saraakiisha ciidamada dowladda wali kama aysan hadlin howlgallada maanta ka socday magaalladda.

“Ciidamada waxaa ay baarayaan guryaha qaar, sidoo kalena waxaa ay xireen waddooyinka qaar, waxaana howlgallada ay bilowdeen saaka aroortii”, qof kamid ah dadka deegaanka ayaa sidaasi warbaahinta u sheegay.

Laamaha ammaanka ee magaalladda ayaa sheegay in marka uu soo dhamaado howlkalka ay warbaahinta faahfaahin kasiin doonaan sida howlgalka uu u dhacay.

Al shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka geysta deegannada Jubbooyinka ee uu a arimiyo maamulka Jubaland.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia