4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 6 , 2017
Al Shabaab oo soo bandhigtay Sawirradda weeraradii ay ka geysteen deegaanka Golweyn ee G/SH/Hoose

 
Arbaco, September, 06, 2017 (HOL) –Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawirrada weeraradii sanadkan ay ku qaadeen deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkii Golweyn, waxaa uu dhacay bishii July ee sanadkan, waxaana ka dhashay khasaare gaaray Al Shabaab iyo ciidamada AMISOM, oo dagaalka uu u dhaxeeyay. 
Sidoo kale 27-kii bishii August, isla dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Golweyn, waxaana warar lagu qoray baraha Internet-ka ee Al-Shabaab lagu sheegay in dagaalyahannadooda ay la wareegeen deegaanka Golweyn, ayna khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda.

Hase ahaatee Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa beeniyay in laga qabsaday deegaankaas.

Waxaa uu sheegay inay iska difaaceen weerarkaas, isla markaana dhanka Al-Shabaab ay uga fureen qori Ak47 ah sida uu yiri. 

 
Deegaanka Golweyn ayaa ku yaalla meel istiraatiiji ah oo sahayda ay u marto Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmooyinka Buulo Mareer iyo Marka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia