4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 6 , 2017
Madaxii ciidamada dalka Lesotho oo lagu dilay saldhigyo milatari oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Maseru

 
Arbaco, September, 06, 2017 (HOL) –Koox hubeysan ayaa shalay toogasho ku dilay madaxii ciidamada dalka Lesotho, Khoantle Motsomotso, iyo labo kale oo saraakiil sarsare ah, sida wakaalladda wararka ee dalkaasi ay sheegtay.

Mas’uuliyiinta ayaa lagu dilay saldhigyo milatari oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee, Maseru.

“Kooxdii dilka geysatay waxaa ay galeen xafiiska madaxii ciidamada ayna toogteen, kahor intaysan dilin labo waaridye kale”, sidaasi waxaa laga soo xigtay dad goob-joogayaal ah oo u waramay wakaalladda wararka ee dalka Lesotho.

Raysal wasaare Thomas Thabane ayaa sheegay in xaaladdu ay haatan deggan tahay waxayna dadka ku boorriyeen inay is dejiyaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in baaritaan uu socdo si loo ogaado sida ay wax u dhaceen iyo sababtaba.

Waxaa dalkaasi ka dhacday saddex doorasho saddexdii sano ee la soo dhaafay, oo tii ugu dambeysay ay dhacday bishii June.

Raysal wasaare Thabane, ayaa haatan madax u ah dowlad isbahaysi ku dhisan.

Sanadkii 2014 Mr Thabane ayaa u qaxay dalka Koofur Afrika, isagoo ka baqayay in la bartilmaameedsado oo la dilo.

Madaxda waddamada Gobolka, ayaa dhinaca kale si adag u cambaareeyay dilka, waxaana ay dowladda kula taliyeen in ay qaado talaabo cadaaladda lagu horkeenayo kooxdii falkaasi foosha xun geysatay.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia