4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 5 , 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo kala hadlay dhigiisa Itoobiya sii deynta maxaabiis Soomaaliyeed

 

Talaado, September, 05, 2017 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa dhigiisa dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn kala hadlay sidii loo soo deyn lahaa maxaabiista Soomaaliyeed oo ku harsan xabsiyada dalkaasi.

Qoraal lagu baahiyay Wakaalada wararka  Soomaaliyeed SONNA ayaa lagu sheegay in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu khadka talleefoonka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay si weyn uga wada hadleen ahmiyadda ay leedahay sidii ay xoriyadoodii dib ugu heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed ee wali ku jira xabsiyada dalkaasi Itoobiya.

Hailemariam Desalegn ayaa la sheegay in uu aqbalayd codsiga uga yimid dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyay in dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay is-garab taaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Maxaabiistan labada dowladood ay isku afgarteen siideyntooda ayaa waxaa ku jira Wariye Maxamed Aweys Muudey Boqorka Bartamaha oo shacabka Soomaaliyeed ay aad u garanayaan.

Arintan ayaa imaneysa xili dowladda Soomaaliya ay wajaheyso culuys siyaasadeed oo uga imanaya ku wareejintii dowladda Itoobiya Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo la sheegay in uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan jabhada ONLF.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]