4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 5 , 2017
Somalia iyo Hay'adda ICAO oo isku Khilaafsan maamulka hawada Somalia iyo Shuruudo adag oo la Hordhigay dowladda

 

Talaado, September, 05, 2017 (HOL) –Hay’adda caalamiga ah ee Hawada Adduunka iyo dowladda Somalia ayaa isku khilaafsan arimo la xiriira maamulka Hawada Somalia ,iyada oo bilahan danbe la hadal hayay suurtagal-nimada ah in  Somalia ay la wareegi karto maamulka buuxa ee hawadeeda.

Hiiraan Online ayaa ogaatay qorshe ay soo jeedisay hay’adda ICAO ,kaasi oo  xadidaya diiyaaradaha imaan kara Somalia, taasi oo ka dhigan in dowladda hadda jirta aysan si madax banaan u maamuli doonin hawada dalka.

Hay’adda hagid-da diyaaradaha ayaa sheegtay in hadii Somalia lagu wareejiyo hawadeeda hoos loo dhigi doono joog-ga u dhexeeya dayaaradaha walabada jaho oo hadda u dhexeeyo jooga dhan 1000ft. Waxaa loo qaadi doonaa jog dhan 2000ft. Waxaaa sidoo kale la xiri doonaa jihooyinka qaar halka kuwa kalena la xadidi doono.

Qorshahan ayaa la micno ah in ay hoos u dhici doonaan diyaaradaha adeegsan kara hawada Somalia ,waxaana ICAO ay ku sheegtay in uu yahay mid la xiriira arimaha ammaanka hawada , balse khubarada ku xeel-dheer arimahan ayaa aaminsan in tani la xiriirto arimo dhaqaale.

Hadii Somalia ay aqbali weydo shuruudaha ICAO ,waxaa hawada Somalia gaar ahaan qaybta loo yaqaano "Oceanic airspace"  maamulkeeda loo qaybin doonaa dalalka Seychelles iyo Hindiya ,lamana saadaalin karo waxa uu noqon doono go’aanka dowladda hadda jirta.

Dhibka ka jira arinta hawada Somalia ayaa soo bilowday sanadkii 1993-dii markaasi oo hay’adaha UNDP iyo ICAO ay si wada jir ah u  asaaseen mashruuc loogu magac daray TAP ,kaasi oo loogu tala-galay in uu bixiyo adeegyada hag-gida hawada Somalia.

Sanadki 1995-tii ayaa la sameeyay xafiis laga hago hawada Somalia oo saldhigiisu yahay Nairobi ,kaasi oo shaqadiisu ugu weyni ay ahayd in uu maamulo hawada Somalia , isla markaana qaato canshuuraha laga qaado diyaaradaha adeegsanaya hawada dalka.

Sanadkii 2011-kII Madaxweynaha hadda talada haya Mohamed C/laahi Farmaajo oo waqtigaas wadanka ka ahaa Ra’iisul-wasaare ayaa isku dayay in Somalia uu u soo celiyo maamulka hawada ,isaga oo sheegay in tani ay qayb-weyn ka tahay madax banaanida Somalia.

“Xaqiiqdii waan la soo wareegi doonaa hawadeena , Somalia ayaa iska leh hawdan ,waxaan nahay dal madax banaan “ ayuu yiri mar uu waraysi siinayay wargayska New York Times oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka.

Madaxweynaha hay’adda ICAO Dr Olumuyiwa Benard Aliu ayaa dhawaan waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in hawada Somalia lagu wareejinayo dalalka dariska ah sida Itoobiya iyo Kenya.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in hawada Somalia aan la wareejin karin ,waxaan waraaq arinta aan ku sharaxayo aan u diray madaxweynaha Somalia “ ayuu yiri Dar Aliu xilli uu waraysi siinyay Hiiraan Online.

Hawada Somalia waxaa maalinkii isticmaala diyaarado gaaraya inta u dhaxeysa 150 ilaa 200 oo diyaaradood,waxaan diyaarad walba oo adeegsata hawada laga qaadaa lacag dhan 275 dollar ,taasi oo ka dhigin in bishii ay Somalia usoo xaroon karto lacag dhan 1.1 milyan oo dollar hadii maamulka hawadeeda lagu soo wareejiyo.

Ilaa iyo sanadkii 1993-dii waxaa lacagtan qaadanaysay hay’adda ICAO,waxaana dhawaan kulan ka dhacay Magaalada Sharma Shiekh ee Masar ayna ka qayb-galen madax ka tirsan dowladda Somalia looga dalbaday haya’adda ICAO in ay soo wareejiso maamulka hawada Somalia.

Ugu danbayn, madaxda labada dhinac ayaa kulan kale lixdan bisha ugu balansan in ay ku yeeshaan magaalada Montreal ee dalka Canada ,waxaana sida ay HOL ogaatay arimahan dowladda Somalia kala talin doona shirkad dhinac sharciga qaabilsan oo fadhigeedu yahay Toronto laguna magacaabo Doli Law Firm.

Faysal M. Hassan
[email protected]