4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 5 , 2017
Labo ruux oo lagu dhaawacay weerar lagu qaaday gaari uu lahaa xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya

 

Talaado, September, 05, 2017 (HOL) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday gaari uu lahaa xildhibaan Xusseen Cali Xaaji oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Rag hubeysan oo ku socday gaari yar oo kuwa raaxada ah ayaa la sheegay in ay isku horgooyeen gaariga xildhibaanka oo marayay meel u dhaw Isbitaalka Masaarida ee ku yaal wadada u dhaxeysa Tarabuunka Iyo Ex- Isbitaal Digfeer ayaana lagu rasaaseeyay.

Weerar ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaawacmeen Gabar la sheegay in uu xildhibaanka Adeer u ahaa iyo darawalka waday gaariga, laakiiin xildhibaan Xusseen Cali Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uusan la socon gaariga la weeraray.

Ragga hubeysan ee gaariga weeraray ayaa la sheegay in ay rasaas culus is weydaarsadeen ciidamo ka tirsan dowladda oo ka agdhawaan goobta, laakiin uma suurtagalin ciidamada in ay gacanta ku dhigaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]