4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 5 , 2017
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka hadlay arinta Qalbi Dhagax

 

Talaado, September, 05, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arin xiisad siyaasadeed ka dhax abuurtay bulshada Soomaaliyeed oo ah ku wareejintii dowladda Itoobiya Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax yahay shaqsi ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo sida uu hadalka u dhigay danbiyo culus ka galay deegaanka, isaga oo sheegay in sida laga yeelayo ay u taallo dastuurka Itoobiya.

‘’Cabdikariin waa Nin ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waa shaqsi danbi ka galay deegaanka, sida laga yeelayo arintiisa waxaa ay u taalla dastuurka dalka, iyo hay’addaha amniga, iyo mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda iyo cidda kale oo ay quseyso’’ ayuu yiri madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa uu sheegay in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool sida uu hadalka u dhigay Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka banaan-baxaan dadka ay Al-Shabaab ku dilayaan Muqdisho.

“Ninka ka hadlaya C/kariin ee dhahaya 1977 ayuu ku dhaawacmay, muu ka hadlo dadkiisa ee maalin kasta dhaawacmaya, gaar ahaan ciidanka qaranka, kuwa ay Shabaab maalin kasta laayaan oo qaraxa la daba taagan, kuwa dhahaya ninba la dhiibay ee mudaahadaradaya C/kariin waa hal shaqsi, wuu ka nasiib fiican yahay kuwii hore, si nabad-gelyo ayuu halkan ku joogaan dastuur iyo sharci ayuu sugayaa, dastuurkaas ayaa wuxuu siiyo luu eeyahay, ‘’ ayuu yiri Cabdi Maxamuud Cumar.

Xaaska Cabdikariin Muuse oo dibadbax ka hadashay ayaa sheegtay in ka hor intaan la dhoofin seygiida lagu jir dilay xarunta Xalane, waxaana ay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda ku eedeysan in ay ku lug lahaayeen u gacan -galinta dowladda Itoobiya.

Warka ku saabsan Qalbi-Dhagax ayaa noqonaya kan loogu hadal heynta badan yahay guud ahaan marka aad eegto bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan warbaahinta lagu wado xiriiro oo dadku siweyn u falanqeynayaan, waxaana dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo arintan kala kulantay dhaleeceyn weyn oo uga imaneysa qeybaha kala duwan ee bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]