4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 5 , 2017
Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee dalka oo shaqa-joojin ku sameeyay 18-Garsoore

 
Talaado, September, 05, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa maanta shaqa-joojin ku sameeyay 18 Garsoore oo ka hawlgalla Maxkamaddaha gobolka Banaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada.

Guddoomiyaha ayaa shaqa-joojintaasi ku cadeeyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Garsoorayaashii maanta shaqadda laga joojiyay waxaa kamid ah lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa, waxaana ay kala ahaayeen; Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo shaqada laga joojiyey 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sheegay in tallaabadan loola jeedo dib-u-habaynta nidaamka Garsoorka dalka oo muddo dheer shacabku ay si wayn u dhaliilsanaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullahi Farmaajo ayaa maalintii la caleemasaaray iyo inii Ololaha doorashada uu ku jiray, waxaa uu khudbo dheer uu uga hadlay caqabadaha ugu waaweyn ee Soomaaliya ay wajeheyso.

Sharciga iyo cadaaladda

"Sareynta sharcigu waa udub dhexaadka dowladda", ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo ballan qaaday in sharciga dalka loo siman yahay.

"Dowladdeeno waxay dib-u-eegis ku sameyn doontaa nidaamka cadaaladda, waxaan hubin doonnaa in sharciga loo sinnaado".

Wuxuu ballan qaaday in uu tayeyndoono uuna xoojin doono hannaanka cadaaladda iyo awoodda sharciga, asigoo kaashanaya dastuurka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia