4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 5 , 2017
Taliyaha ciidanka Booliska oo Muqdishu kula kulmay Dufcadii 1-aad ee ka soo qalin-jabisay Jaamacadda Ummadda

 

Talaado, September, 05, 2017 (HOL) –Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Cabdixakiin Daahir Saciid 'Saacid' ayaa xarunta Taliska Ciidanka Booliska ee Magaalladda Muqdishu kula kulmay Ardeyda dufcadda kowaad ee ka soo qalin-jabisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ardayda Taliyaha uu la kulmay ayaa dhawaan waxaa ay kasoo qalin-jabiyeen kuliyadda Qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka oo is-xog-wareysi ahaa ayaa ardayda waxaa ay warbixin ka siiyeen safarkoodi waxbarasho iyo hawlaha Kuliyada Qaanuunka horyaala iyo wixi u qabsoomay ilaa hadda.

Ardayda ayaa sheegtay in waxbarashadoodii ay aheyd mid bilaasha ah, dowladdana ay bixisay sidaa darteedna ay diyaar u yihiin in cilmigii lacag la'aanta lagu soo baray ay iyaguna doonayaan in ay qaranka iyo dadka uga faa'iideeyaan.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in ardeyda soo qalinjabisay ay jirto baahi loo qabo.

“Waxaan ugu bishaareynayaa in dhammaan dufcadii soo qalin-jabisay in aysan dhib ka mari doonin sidii ay u heli lahaayeen shaqo, baahida dad sharciyaqaano loo qabana ay aad u weyn tahay”, ayuu yiri.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Boliiska iyo sharciyqaannadu ay isu baahanyihii.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia