4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 5 , 2017
Guddiga doorashada “Ma aqbaleyno in la carqaladeeyo doorashada Madaxweynaha ee Hirshabeelle”

 
Talaado, September, 05, 2017 (HOL) –Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha cusub ee Dowlad-gobolleedka Hirshabeelle Sheekh Abuukar Xasan Cali, ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in la carqaladeeyo qabsoomida doorashada madaxweynaha ee maamulka Hirshabeelle.

Sheekh Abuukar, oo la hadlayay warbaahinta gudaha magaalladda Muqdisho, ayaa dhinaca kale waxaa uu sheegay in doorashada ay u qabsoomi doonto sidii loogu talagalay.

Shalay ayey aheyd, kaddib markii Xildhibaan Maxamuud Xuseen Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle, uu sheegay in meel wanaagsan ay mareyso qaban-qaabada doorashada madaxtinimada ee maamulkaasi.

Xildhibaanka, ayaa sheegay in aysan dhici doonin dib-u-dhac ku yimadda xiliga doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

12 bishan September, ayaa la filayaa in Magaalladda Jowhar ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle.  
Dhinaca kale kulan 1-dii bishan Sep. ka dhacay Magaalladda Beledweyne ayaa loogu caleemo saaray Cali Cabdullaahi Cosbole, in uu yahay madaxweynaha maamul lagu magacaabo Hiiraan–Land.

Guuddoomiyaha gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim (Cumar Baadiyow) oo ka qeyb-galay kulanka ayaa sheegay in go’aankii ay qaateen xildhibannada Hirshabeelle uusan aheyn mid sharaci ah.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia