4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 5 , 2017
Waa kuma labada musharax ee ku tartami doonta doorashada dalka Kenya ee bisha October?

 
Talaado, September, 05, 2017 (HOL) –Guddiga doorashooyinka dalka Kenya ee IEBC ayaa sheegay in Uhuru Kenyata iyo Railla Odinge oo keliya ay ku tartami doonaan doorashada madaxweynaha ee dalkaasi ka dhici doonta 17 bisha October.

Guddiga doorashada waxay sheegeen in go’aankani ay qaateen iyaga oo raacaya amarka Maxkamadda Sare ee lagu buriyey sharciyadda natiijadi doorashadi dalkaasi ka dhacday bishi hore.

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa todobaadki hore go'aan ka gaartay muranka doorashada madaxtinnimada Kenya. Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa maxkmadda ka dalbaday inay wax kama jiraan ka soo qaado guushii Kenyatt, taas oo markii dambana dhacday.

Dacwadda waxaa maxkamadda geeyay Raila Odinga, hogaamiyaha mucaaaradka NASA. Wuxuu ku dooday in doorashada aan loo qabanin si waafaqsan dastuurka. Madaxweyne Kenyatta iyo guddiga doorashooyinka Kenya ayaa beeniyay eedaymahaasi, balse mar dambe waxaa cadaatay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay guddiga, waxaana la bur-buriyay guushii Kenyatta.

Maxkamadda ayaa amartay in la qabto doorasho kale muddo 60 cisho gudahood.

Madaxwayne Kenyatta, intii uu ku jiray Ololaha doorashii hore, ayaa waxaa uu sameeyay ballanqaadyo badan oo ay kamid ahaayeen in ciidamada Kenya ay sii joogi doonaan Soomaaliya, iyaga oo qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta, inta nabad iyo xasilooni dib loogu soo celinayo Soomaaliya.


Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia