4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 5 , 2017
Shil-gaari oo gabar Soomaaliyeed ay ku dhimatay, wariye Jaakat-na uu ku dhaawacmay oo ka dhacay Mareykanka

 
Talaado, September, 05, 2017 (HOL) –Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Asli Cabdi Xayir ayaa ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay gudaha Magaalladda Barron ee gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka.

Shilka sidoo kale waxaa ku dhaawacmay wariye lagu magacaabo Axmed C/raxmaan Jaakat oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dagan Mareykanka.

Shilka ayaa yimid kaddib markii gaari ay la socdeen muwaadiniinta Soomaaliyeed uu ku dhacay tareen, sabtidii lasoo dhaafay, sida warbaahinta dalka Mareykanka ay warisay.

“Annagoo wadda mareyna ayaa waxaa nagu yimid tareen, waxaana maqalnay hoon, islamarkiina gaari ayuu nagu dhuftay”, sidaasi waxaa yiri Axmed.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa dhinaca kale sheegay in goobtaasi ay soo gaareen Boolis iyo dadweyne kale, kuwaasi oo meesha ka qaaday dhaawaciisa, waxaana uu haatan kujiraa isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin.

Sababa uu shilka u dhacay ayaa lagu sababeeyay in waddada musiibada ay ka dhacay aaney laheyn ishaaradda ama samaafaraha gawaarida kala haga.

Booliska magaalladda Barron ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku aadan sababaha keenay in baabuurka iyo tareenka ay isku dhacaan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia