4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2017
Waqtiga la qabanayo doorashada Kenya oo lagu dhawaaqay

Isniin, September, 04, 2017 (HOL) – Guddiga Doorashooyinka Kenya ee IEBC ayaa ku dhawaaqay in 17-ka bisha Oktoobar la qaban doono doorashada madaxweynenimo ee Kenya kadib markii ay maxkamad amartay in mar kale lagu celiyo doorashada.

War ka soo baxay guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaama labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.

Maxkamada sare ee dalka Kenaya ayaa Jimcihii aynu soo dhaafnay baabi’isay Doorashadii dhacday 8-dii bishii Agoosto, taas oo guddiga shaaciyeen in uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.

Go’aanka maxkamada ayaa waxaa ku gacan-seyray Uhuru Kenyatta oo laakiin sheegay in uu ixtiraamayo maxkamada isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay doorashada ku celiska ah.

Raila Odinga ayaa markii uu soo baxay go’aanka maxkamada ku tilmaamay mid taariikhi ah oo aan laga fileyn in ay gaarto maxkamad Africaan ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]