4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2017
Wasiirka waxbarashada oo ka qeybgalay munaasabad loo qabtay Ardey ka qalin-jabisay Jaamacada Jamhuuriya


Isniin, September, 04, 2017 (HOL) – Munaasabad loogu dabaaldagayay qalinjabinta arday tiradoodu gaareyso 281 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada Jamhuuriya ee culuumta iyo Teknoolajiyada ayaa maanta lagu qabtay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho. 

Munaasabada oo si weyn loo soo qaban qaabiyay ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya, maamulka sare ee Jaamacada Jamhuuriya, waalidiin, Bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale. 

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan oo ka hadlay munaasabada ayaa tilmaamay in ay tahay guul weyn oo usoo hoyatay ummada Soomaaliyeed isaga oo kula Dardaarmay bahda waxbarashada in ay ku dadaalaan sare u qaadista tayada waxbarashada. 

Guddoomiyaha golaha sare ee Jaamacadda Jamhuuriya Cusmaan Cali Xalane ayaa ugu hambalyeeyay ardada qalinjabineysay, maamulka, macalimiinta iyo howlwadeennada jaamacadda guusha weyn ee la gaaray isaga oo hoosta ka xariiqay in ujeedada loo aasaasay jaamacada ay tahay soo saarida Arday tayadoodu sareyso.

Qaar ka mid ah ardadii qalinjabineysay oo dareenkooda cabiray ayaa muujiyay in ay ku faraxsanyihiin miradhalka go’aankii ay gaareen afar sano kahor, waxa ayna balan qaadeen in halkooda ay kasii wadi doonaan sare u qaadisa tacliinta.

Guddoomiyaha Jaamacada Jamhuuriya Maxamuud Axmed Jimcaale oo la dardaarmay ardada qalinjabineysay ayaa u sheegay in guusha dhabta ah la gaari doono marka waxii ay ardaydu barteen ay uga faa’ideeyaan mujtamaca Soomaaliyeed.