4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2017
Puntland oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Nin dadka tahriibin jiray

 

Isniin, September, 04, 2017 (HOL) – Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ee dowlad gobolleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah ragga ugu waa weyn ee magafayaasha dhallinyarada ka tahriibiya Soomaaliya.

Ninkan ayeey saraakiisha booliisku sheegeen in shaqaaleysiiyay ilaa iyo 200 oo dhallinyaro ah oo ku qal-qaaliya dhalinyarada in ay tahriibaan.

“Waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Ninkii dadka tahriibin jiray ee ilmihii loo keeno ku bixinayay laba boqol oo Dollar, oo dad badan oo reer Boosaaso ah tahriibiyay.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Ninkan la qabtay ku socdaan baaritaano, maxkamadna la horkeeni doono, si cadaalada loo marsiiyo.

Dadka dadka tahriibiya ayaa ah shabakado ama kooxo isku xiran oo guud ahaanba ku kala firirsan qeybaha kala duwan ee dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]