4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2017
Warar kala duwan oo ka soo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay dulleedka magaalada Muqdisho

 

Isniin, September, 04, 2017 (HOL) –Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax miino oo deegaanka Ceelasha biyaha ee dulleedka magaalada Muqdisho lala eegtay gadiid ay la socdeen ciidamo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya.

Goob joogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay lala eegtay gadiid marayay waddada xiriirisa Ceelasha biyaha iyo magaalada Muqdisho.

Labo qof oo rayid ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen qaraxa kuwaa oo marayay waddada dhiceeda markii uu qaraxu dhacayay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa xaqiijiyay ciidamada dhaawacyo uu ka soo gaaray qaraxa, balse aysan jirin dhimasho ka dhalatay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada la bartilmaameedsaday ahaayeen kuwa militariga ee Shirkada Bancroft ay tababarka siiso, kuwaasi oo saldhigooda uu yahay deegaanka Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]