4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2017
57-askari oo Boliiska Kenya ka tirsan oo la dhigay Isbitaal kaddib markii laga helay xanuunka daacuun-calooleed-ka

 
Isniin, September,04, 2017 (HOL) – 57 askari oo ka tirsan Boliiska dowladda Kenya oo lagu arkay calaamadaha xanuunka daacuun-calooleed-ka ayaa la dhigay xarumo caafimaad oo ku yaalla Magaallooyinka Nairobi iyo Kajiado ee dalkaasi Kenya.

Warbahinta dalka Kenya, ayaa maanta si weyn u hadal haya munsiibada ku habsatay ciidanka nabad-gelyada ee dalkaasi.

Askarta xanuunsan ayaa waxaa kamid ah 10 sarkaal oo ciidanka hoggaamisa. 

“Ma naqaano halka ay ka heleen cuntada sababtay xanuunka, waxaa ciidanka laga qaaday tijaabooyin waxaana laga helay calaamada xanuunka daacuun-calooleed-ka, haddana waxaa loo diray xarumo caadimaad”, sidaasi waxaa yiri sarkaal ciidanka ka tirsan oo ka badbaaday xanuunka.

Halka ka Daawo:-



Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia