4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2017
Guddoomiyaha Guddiga doorashada Hirshabeelle oo sheegay in meel wanaagsan ay wax u marayaan

 
Isniin, September,04, 2017 (HOL) – Xildhibaan Maxamuud Xuseen Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso qaban-qaabada doorashada madaxtinimada ee maamulkaasi.

Xildhibaanka, ayaa sheegay in aysan dhici doonin dib-u-dhac ku yimadda xiliga doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

12 bishan September, ayaa la filayaa in Magaalladda Jowhar ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle.

Cabdi Faarax Laqanyo oo horay u soo noqday guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, ayaa munaasabad ka dhacday Magaalladda Muqdisho uga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Dhinaca kale waxaa jira musharixiin kale, kuwaas oo aan wali warbaahinta horimaan.

Baarlamaanka maamulka Hirshabele ayaa bishii October ee sanadkii 2016 madaxweyne u doortay Cabdi Cabdulahi Cosoble oo helay codad gaaraya 61 cod.

Waxaa la tartamayay Maxamed Cabdi Waar oo isna helay 36 cod.

Dhinaca kale bishii August, isla Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kalsoonida kala noqday Cabdi Cabdulahi Cosoble, waxaana go’aanka Baarlamaanka taageeray dowladda Federaalka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia