4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2017
Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhiga degmadda Qoryooley oo sheegay in Shan Tuulo ay kala wareegeen Al Shabaab

 
Isniin, September,04, 2017 (HOL) – Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhiga degmadda Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal), ayaa sheegay in Al Shabaab ay kala wareegeen shan Tuulo oo ka tirsan degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ayaa sheegay in Tuulooyinkaasi ay kula wareegeen howlgallo socday muddo laba maalmood ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Tuulooyinka aan Al Shabaab kala wareegnay waxaa kamid ah Bandar, Daraano, Xarun-labaad iyo kuwo kale, waxaana ballanqaadeynaa in howlgalladda noocaasi oo kala ah in ay sii socon doonaan”, ayuu yiri.

Intii howlgallada ay socdeen ayuu dhinaca kale sheegay in ay dileen Afar kamid aheyd dagaalyahannada Al Shabaab, ayna gacanta ku dhigeen raashiin uu sheegay Shabaabka in ay ka soo uruuriyeen dadka shacabka ah.

Bishii June ee sanadkan Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyootay, 8 kalena way ku dhaawacmeen Duqeyn Madaafiic  ah oo ka dhacday degmada Qoryooley, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qof kamid ah dadka deegaanka, ayaa xaqiijiyay in madaafiicda qaar ay ku dhaceen Masjid dadka ku tukanayeen Salaadda subax, isagoo intaasi ku daray in qaar kamid ah Jameecada ay ku dhaawacmeen weerarka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia