4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2017
Al Shabaab oo lagu eedeeyay dilka askar ilaalo ka aheyd kaniisad ku taalla dalka Kenya

 
Isniin, September,04, 2017 (HOL) – Laba askari oo ka tirsan bilayska dalka Kenya ayaa la dilay Axaddii shalay iyaga oo ilaalo ka haya kaniisad ku taalla meel u dhow badweynta Hindiya.

Kooxda weerarka geysatay ayaa waxaa ay saarnaayeen Mooto, waxaana loo maleynayaa in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab.

"Baaritaan ayaa la bilaabay, weerarkan ma ahan mid dhac ah”, sidaasi waxaa wariyaasha u sheegay taliyaha bilayska gobolka Larry Kieng.

“Mid ka mid ah askarta la dilay waxaa laga toogtay madaxa, isagoo ku geeriyooday isla goobta, halka midka kale uu ku geeriyooday Isbitaalka, baaris ayay wadaan ciidamada Ammaanka, iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaasha”, ayuu sheegay Larry Kiyeng.

Ma jirto cid sheegtay mas’uuliyada weerarka, balse dowladda ayaa ku eedeeyneysa in Al Shabaab ay ka dambeeyeen.

Xiisado xooggan ayaa dalkaasi maanta ka taagan gaar ahaan deegaankii shalay dhacdada ay ka dhacday, sida dadka deegaanka ay u sheegayaan warbaahinta gudaha dalkasi.

Kaniisadaha ku yaalla dalka Kenya, ayaa waxaa ay mar kasta bartilmaameed u yihiin kooxda Al Shabaab, oo si dhuumaaleysi ah weeraro ugu geysta.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia