4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2017
75-kun oo Muslimiinta Rohingya ah oo gaaray dalka Bangladesh

 
Isniin, September,04, 2017 (HOL) – 75,000 oo Muslimiinta Rohingya ah oo ka barakacay dhibaatooyinka loogu geysanayo dalkooda Myanmar, ayaa galay dalka Bangladesh.

Afhayeenad u hadashay hay’adda UNHCR, ayaa Al Jazeera u sheegtay in tan iyo markii qalalaasaha ay bilowdeen 25 bishii August in barakaca uu socday.

Wararka ka imaanaya dalka Myanmar ayaa sheegaya in xaafado badan oo ay deggan yihiin Muslimiinta Rohingya ee dalkaasi dab la qabad siiyay, iyadoo dadku ay u qulqulayaan dhanka xadka Bangladesh si ay uga baxsadaan qalalaasaha socda.

Qiiq ka baxaya ayaa la arkayaa xaafado ku yaalla galbeedka Myanmar halkaas oo ciidamadu ay ka bilaabeen olole ka dhan ah maleeshiyaadka Rohingya.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa ugu baaqay dowladda Bangladesh in ay albaabadeeda u furto Muslimiinta Rohingya ee kasoo cararaya dhibaatooyinka ka taagan is-maamulka Rakhine ee galbeedka dalka Myanmar.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ka sheegay khudbad maalintii koowaad ee ciida uu u jeedinayay taageerayaasha xisbiga AK ee ku sugan gobolka Antalya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia