4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2017
Askar Kenyaan ah oo lagu dilay Kaniisad la weeraray

 

Axad, September, 03, 2017 (HOL) – Rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa weerar ay ka geysteen Kaniisad ku taala degmadda Ukunda ee koonfurta magaaladda Mombasa ku dilay labo Askari oo Kenyan ah.

Larry Kiyeng taliyaha ciidamada magaalo xeebeedka Mombasa ayaa sheegay in Afar nin oo hubeysan ay toogteen Laba askari oo ilaalo ka haysay Kaniisada, kadibna ay ku baxsadeen Mooto.

Wuxuu kaloo sheegay taliyaha ragga weerarka fuliyay in ay horey u sii qaateen laba qori oo nuucoodu ahaa AK-47 oo ay lahaayeen Askarta la dilay.

“Mid ka mid ah askarta la dilay waxaa laga toogtay madaxa, isagoo ku geeriyooday isla goobta, halka midka kale uu ku geeriyooday Isbitaalka, baaris ayay wadaan ciidamada Ammaanka, iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaasha”, ayuu sheegay Larry Kiyeng.

Ciidamada ammaanka dalka Kenya oo kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo nabad-galyada iyaga oo kootaroolo dhigtay wadooyinka laga soo galo Mombasa, si gaadiidka ay ugu baaraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]