4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2017
Odayaal dhaqameed si adag u difaacay siyaasada dowladda federaalka

 

Axad, September, 03, 2017 (HOL) – Tan iyo wixii ka danbeeyay soo ifbixii warka ku saabsan in dowladda federaalka Soomaaliya u gacan galisay dowladda Itoobiya sarkaal sare oo la sheegay in uu ka tirsanaa Jabhada ONLF oo lagu magacaabo Cabdikariin Muuse Qalbi –Dhagax, waxaa sii xoogeysanaya dhaleeceyn loo jeedinayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Gaar ahaan warbaahinta bulshada ay ku wada xiriirto [ Social Media ah ] ayaa lagu arkayay qoraallo ay dadku wax isaga weydiinayaan sida ay u dhacday arintan ku wareejinta dowladda Itoobiya Qalbi –Dhagax iyo doorka ay dowladda federaalka ka qaadatay.

Laakiin odayaal dhaqameed la hadlay warbaahinta ayaa difaacay siyaasada dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo sheegay in ay jiraan dad siyaasiyiin ah oo arintan danno gaar ah ka leh.

‘’Waxaan aaminsannahay waxyaabahan dhacaya oo dhan in ay ka danbeeyaan dad dano gaar ah leh oo kursi waayay, oo nabada ogoleyn, oo dowlad nimada ogleyn, oo hormarka ogoleyn, wax ka dhib badan miyaa jiray qaraxyadii dalkan soo maray oo tirada aad ogtihiin oo dad ay ku dhiman jireen, miyeeysan mudneyn in aan Alle ku mahadnimo nabadan aan heysanno, miyeeysan mudneyn in lagu amaano dadkii ka shaqeeyay, dadka oo dhan madax ma noqon karaan, aan dacaayada ka dhaafno dowladda’’ ayuu yiri nabadoon Maxamed Xassan Xaad.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa dhinaciisa sheegay in aan loo baahneyn in bulshada Soomaaliyeed la niyad jabiyo, isaga oo ku amaanay dowladda federaalka doorka ay ka qaadatay iyo dadaalka ay ugu jirto nabadeynta dalka.

Odayaasha ayaa ku booriyay bulshada Soomaaliyeed in dowladda federaalka laga sugo jawaabta ay ka bixineyso arintan ku saabsan shaqsiyga la sheegay in loo dhiibay dowladda Itoobiya.

Hadalka odayaasha dhaqanka ayaa imanaya xili si weyn loo hadal hayo warku saabsan ku wareejinta dowladda Itoobiya Cabdkariin Muuse oo la sheegay in laga soo qabtay magaalada Gaalkacyo.

Dowladda Itoobiya ayaa dhinaceeda xaqiijisay in dowladda Soomaaliya u soo gacan –galisay Cabdikariin Muuse Qalbi –Dhagax, laakiin dowladda federaalka wali kama aysan soo saarin war rasmi ah marka laga soo tago taliyaha hay’adda nabad-sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo arintan ku tilmaamay mid ‘’ Xasaasi ah ‘’ oo laga hadli doono waqtiga ku haboon.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]