4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2017
Dowladda Mareykanka oo si adag u cambaareysay Waqooyiga Kuuriya

 

Axad, September, 03, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa si adag Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay hub Nukliyeer ah, waxaana ay cambaareyntan qeyb ka noqoneysaa dhaleeceen is daba joog ah oo loo jeedinayo Kuuriyada Waqooyi.

Pyongyang ayaa sheegtay in ay si guul ah u tijaabisay Bam Nukliyeer ah oo ay xambaari karaan gantaalada ridada dheer.

Donald Trump madaxweynaha dalka Mareykankaa, ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in “hadallada iyo ficillada” Kuuriyada Waqooyi ay yihiin “kuwo colaad hurinaya oo qatar ah”

Waxaa muuqata in hadda Kuuriyada Waqooyi iska dhaga tireyso cunaqabateynta Qaramada Midoobay iyo cadaadiska caalamiga ah ee ku aaddan hubka nukliyeerka ah ee ay sameysanayso iyo tijaabooyinka ay ku sameynayso gantaallada ay suuragalka tahay inay gaaraan Mareykanka.

Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha iyo Ruushka ayaa dhammaantood si xooggan u dhaleeceeyay tijaabada lixaad ee nukliyeerka Waqooyiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]