4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 3 , 2017
Ciidamada dowladda oo dib ugu laabtay deegaanka Buula-Gaduud

 

Axad, September, 03, 2017 (HOL) – Xaalad degenaasho ayaa ka jirta deegaanka Buula-Gaduud ee gobolka Jubbada Hoose oo subaxnimadii hore ee saakay ay weerar ku qaadeen xoogagga ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalamayaash Al-shabaab ayaa Subaxnimadii hore ee saakay waxaa ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidammada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30 km dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen qaraxyo waaweyn oo loo malaynayo in uu yahay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay in marka hore xerada lagu weeraray, iyadoo intaa kddibna ay bilaawdeen hub culus oo labada dhinac ay isweydaarsadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in saldhigaasi uu ku dishay in ka badan 20 askari, halka ay sheegteen in saddex gaari oo nooca dagaalka ah ay halkaasi ka qaateen.

Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca ciidammada dowladda Soomaaliya ee uu saldhigoodu ahaa deegaanka Buula-Guduud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]