4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2017
Faah faahin ku saabsan dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Buula-Gaduud

 

Axad, September, 03, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saakay ka dhacay deegaanka Buulo-Gaduud oo 30Km dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Dagaalka ayaa ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu beegsaday xero ay degenaayeen ciidamada xoogga dalka.

Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka, waxaana ay intaa ku dareen in ay dileen tiro ka badan 20 Askari.

Dagaalka ayaa qaatay muddo saacado ah, iyadoo dagaalyahano fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay xerada ciidamada gudaha u galeen.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegaya in ay iska caabiyeen Al-Shabaab, ayna dib ula wareegeen deegaanka, balse waxaa ay qirteen in khasaare xoog leh uu soo gaaray.

Sidoo kale xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay in dagaal kula wareegeen xerada iyo sidoo gadiid dagaal hub iyo saanad ciidan.

Weerarka Al-Shabaab saaka ku qaaday deegaanka Buulo Gaduud ayaa ah kii ugu xoogganaa ee ay ku qaado ciidamada Jubbaland.

Wararka ka imanaya deegaanka Buula-gaduud ayaa sheegaya in xaalad degenaasho ay ka jirto deegaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]