4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2017
Dowladda Turkiga oo Bangladesh ugu baaqday in ay albaabadeeda u furto Muslimiinta Rohingya

 
Axad, September,03, 2017 (HOL) –Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa ugu baaqay dowladda Bangladesh in ay albaabadeeda u furto Muslimiinta Rohingya ee kasoo cararaya dhibaatooyinka ka taagan is-maamulka Rakhine ee galbeedka dalka Myanmar.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ka sheegay khudbad maalintii koowaad ee ciida uu u jeedinayay taageerayaasha xisbiga AK ee ku sugan gobolka Antalya.

“Waxaan ugu baaqayaa dhawaan dhammaan hay’addaha Muslimiinta kulan looga hadli doono dhibaatooyinka dadkaasi haysta, waxaana kulanka la qaban doonaa sanadkan”, ayuu yiri.

Qiyaastii 6 kun oo Muslimiinta Rohingya ah ayaa ka tallaabay xadka Myanmar uu la wadaao Bangladesh muddo toddobaad ah, sida dowladda dalka Bangladesh ay sheegtay.

Dadka dalkaasi galay ayaa waxaa ay kasoo carareen dhibaatooyin xooggan oo ka jira dalkooda. Hay’adda xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay wax ka qabashada dhibaatadda.

Hay`adda arrimaha qaxootiga ayaa ka digtay inay buux-dhaafaan xeryaha qaxootiga dalka Bangladesh ee ay ku soo qulqulayaan Muslimiinta Rohingya ee ka soo qaxaya dalka deriska la ah ee Myanmar.

Ciidamada Myanmar ayaa bilaabay olole ka dhan maleeshiyaadka Rohingya ee ku sugan gobolka Rakhine toddobaadkii la soo dhaafay.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia