4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2017
Mareykanka oo sheegay in wali uu noolyahay hoggaamiyaha kooxda Daacish Abubakr al-Baqdadi

 
Sabti, September,02, 2017 (HOL) –Sarkaal sare oo ka mid ah ciidamada dowladda Mareykanka, ayaa sheegay in suragal ay tahay in wali uu noolyahay hoggaamiyaha ururka la baxay Khilaafada Islaamka Abubakr al-Baqdadi.

Abubakr al-Baqdadi markii ugu horeysay ee la arkay waxay ahayd 2014. 

Hadalkaas wuxuu khilaafayaa mid horey uu u sheegtay Ruushka oo ahaa in ciidankooda ay dileen Abubakar Al-Baqdaadi, ka dib weerar bishii May ka dhacay Suuriya.

Al-Baqdaadi waxaa laga yaabaa in uu isku qarinayo xuduudda u dhaxeyso Suuriya iyo Ciraaq, ayuu yiri Janaraal Stephen Townsend, oo ah taliyaha isbeheysiga la dagaallamayo kooxda Dowladda Islaamka.

Waxaa suuragal ah in uu ka qaxay weerarka ka dhanka ah kooxda ee looga qabsaday deegaano badan. Meesha uu ku nool yahay Baqdaadi lama ogeyn in muddo ah.

Bishii June, Ruushka ayaa sheegay in ay "aad suuragal u tahay" in Baqdaadi uu ku dhintay duqeyn ka dhacday Raqa oo ah caasimadda kooxda ee Woqooyiga Suuriya.

Markaasi ka dib, kooxo hubeysan ayaa duulaan ku ekeeyay magaalladda, waxaana la qiyaasayaa in illaa 2,000 oo dagaal yahan oo daacish ah ay ku jiraan, kuna go'doonsan yihiin.

Hodalkan haddii uu xaqiiq noqdo, waxaa ay cudu xooggan u noqoneysaa kooxda, waxaana dhinaca kale ay dhabar jab weyn ay ku noqoneysaa dowladdaha dagaalk kula jira Daacish. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia