Wasaaradda waxbarashada Somaliland oo shaacisay natiijadii Imtixaanka shahaadiga
Sabti, September,16, 2017 (HOL)-
Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqday Imtixaanka
shahaadiga ee dugsiyadda Hooose/dhexe iyo dugsiyadda Sare.
Wasiirka waxbarashada Somaliland
Cabdilaahi Ibraahim Habanne ayaa sheegay inay dagaal la galayaan qishka iyo
ardayda caadaystay, waxaanu sheegay inay Somaliland guul u tahay tayeynta
waxbarashadda ee labaddii sanadood ee u dambeeyey ay gaadhay.
Sidoo kale,waxa uu sheegay in
ardayda dhacday sanadkan in afar bilood casharo loo dhigayo ka dibna imtixaan
qaran laga qaadi doonna.
Gudoomiyaha imtixaanka qaranka
Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa isna sheegay in ardaydan dhacday u badan yihiin kuwii
maadooyinka laga kansalay ee lagu qabtay qishka iyo kuwii Moobiladda ku
qishayey, haseyeeshee dhicitaanku aad u yaraa, balse marka la isku daray kuwo
qishka lagu qabtay iyo kuwo dhacay ay kordhinayso tiradda aan gudbin ee
imtixaanka waayey.
“dugsiyadda dhexe ee imtixaanka u
fadhiistay waxay dhamaayeen 16,512 Arday, waxaana gudbay afar iyo toban kun
afar boqol iyo toddobaadan iyo afar Arday, halka ay hadheen kun iyo sideed
boqol iyo lix arday”ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faraax oo ka hadlayey imtixaanka
dugsiga dhexe.
Mar kale isagoo shaacinaya
dugsiga sare ardaydii u fadhiisatay imtixaanka waxa uu yidhi “ dugsiga sare waxa imtixaanka u fadhiistay
toban kun iyo sideed iyo sagaashan arday, waxa imtixaanka gudbay 7,597, halka ay dhaceen ama waayeen 1,711 arday.”
mar uu ka hadlayey waxa
dhicitaanka sanadkan badiyey waxa uu yidhi “ waxaanu samaynay olole balaadhan
oo lagaga hortagayo qishka, waxaana doonayna inaanu Somaliland ku soo celino
sidii ay ahaan jirtay, ardayda toos u dhacday waxay ahayd boqol iyo dhawr iyo
konton arday, balse waxa badan ardaydii aanu maadooyinka ka kansal garaynay ee
lagu qabtay Qishka ama moobilke ku qishayey ee moobilka ka qaadnay, iyo qaar
kale oo marka qof qishaya imtixaanka laga saarayo buuqa abuurayey ee la baxayey
ayey u badan yihiin kuwan dhacay”
Dugsiyadda sanadkan ugu cadcadaa
waxa ka mid ahaa guuladda Shansha Cadde, Damar Xagale, Taalo buur, Moderan,
Xuseen miigane, Barkadda, Qoryaalle, Maxamuud Ugaas iyo Geeska oo intoodda
badan ku yaalaan goboladda Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo Awdal.
Halka dugsiyadda sare kaalmaha
hore ay galeen dugsiga Qoryoole Togdheer, Qorilugud Buuhoodle, Gab oo ku yaalla
gobolka Awdal, Hadaaftimo oo uu hoos yimaado Badhan, Saacadadiin gobolka Selel,
Badhan iyo Al Nuur oo Awdal ah.
Dhinaca kale, ardaydii dugsiyada
sare ee dhacday ayaa maanta mudaharaad la hor yimid wasaaradda waxbarashadda,
waxaanay shiid la dhaceen wasaaradda, iyagoo muddo boodhadhkii iyo wasaaradaha
shiidh hadhka kaga dhigay, haseyeeshee Booliska ayaa rasaas ay cirka u ridayeen
ku kala dareeriyey.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.