Hirshabeelle oo doorasho madaxweyne isku diyaarineysa maalinta Berri ah
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Maalinta Berri ah oo ay
taariikhdu ku beegan tahay 16ka September ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar
ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle.
Ilaa 8 musharax ayaa ilaa iyo hadda isku soo taagan
qabashada xilkan madaxweynaha maamulka kuwaa oo kala ah Cabdi Faarax Laqanyo oo
horay u soo noqday guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdinaasir Xaaji
Shircaw oo ah siyaasi dhinaca kalana la soo shaqeeyay hay’addo caalami ah, Cabdiraxmaan Cabdi Waare oo markii labaad u
tartamaya xilkan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed
oo marar is xig xigta soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdiraxmaan
Xusseen Cadoow oo ah Aqoonyahan ku cusub siyaasada, Eng Cabdikariin Cali Nuur oo ka tirsan
baarlamaanka Hirsabeelle, Daahir Cabdulle Cawaale iyo Maxamed Caruush Diiroow.
Musharixiintan ayaa dhamaantood ku wada sugan magaalada Jowhar waxeyna
khudbadahooda wax qabad ka hor jeediyeen baarlamaanka Hirshabeelle, iyadoo mid
walba uu soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed ee uu ku haggi doono
Hirshabeelle haddii uu xilkan ku guuleysto.
Ol’ Ole aad u xiiso badan ayaa ka socda magaalada Jowhar
waxaana mid walba oo ka mid ah musharixiintan uu xusul duub adag ugu jiraan
sidii uu u heli lahaa codadka ugu badan ee xildhibaannada doorashada
maalinta Berri ah dhaceysa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]