4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2017
Maamulka koonfur-galbeed oo faah-faahin ka bixiyay howlgallo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Baydhabo

 
Arbaco, September, 13, 2017 (HOL) –Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga maamulka Koonfur Galbeed C/risaaq Cabdi Aadan, ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Magaallada Baydhabo, ay ka socdeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Md. Cabdirisaaq, ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada ammaanka lagu amray in ay sameeyaan howlgallo dheeraad ah.

Dhinaca kale waxaa uu carabka ku dhuftay, in howlgalladdii ugu dambeeyay ee laga sameeyay magaalladda in lagu soo qab-qabtay dad fara badan, kuwaas oo u badan dhallinyaro, haddana ay ku socdaan baaritaanno ku aadan sidii loo kala saari lahaa.

Howlgalladda magaalladda Baydhabo ka socday ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xili dhawaan weerar is-qarxin ah uu ka dhacay nawaaxiga makhaayad ku taalla bartamaha Baydhabo.

Laammaha ammaanka ee maamulka Koonfur-galbeed, ayaa wixii intaasi ka dambeeyay, waxaa ay bilaabeen howlgallo.

Magaalladda Baydhabo, ayaa waxaa ay kamid tahay magaallooyinka lagu tiriyo in ay ka jiraan amni, marka laga hadlayo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia