4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2017
BELEDWEYNE ‘’ Munaasabada Ciidul-Adxa oo laga maamuusay

 

Jimco, September,01, 2017 (HOL) – Boqolaal shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa maanta Salaada Ciida ku Oogay fagaare ku yaala xaafadda Xaawo –Taako, halkaa oo ay culimadu ka soo jeediyeen Khubado Diini oo la xiriira qiimaha maanta oo kale u leedahay muslimiinta dunida.

Salaada Ciida kaddib ayaa jidadka iyo xaafaddaha magaalada lagu arkayay Dhalinyarro, Waayeel iyo Carruur mush-mushaaxaya, islamarkaana isku marxabeynaya munaasabada Ciidul-Adxa.

Ciida Carafo ayaa uga uga duwan ciida kale ee Muslimiinta dadka oo isku martiqaadaan naafka  Udxiyada oo qoysaska inta awooda u leh maanta oo kale gowracaan.

Carruurta ayeey sidoo kale farxad gaar ah u leedahay maanta oo kale iyaga oo ka nasanaya dugsiyada waxbarashada si ay uga qeybqaataan farxada maalinta Ciida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]