4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 17, 2017
Mareykanka oo gargaar caafimaad soo gaarsiiyay dadkii ay wax yeelada ka soo gaartay Qaraxii Muqdisho


Talaado, October, 17, 2017 (HOL) – Diyaarad sida gargaar dawo ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa goor dhoweyd soo caga dhigatay garoonka diyaarahada Aadan Cadde ee magaaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu waddaa in maanta ay yimaadaan diyaarado sidda gargaar caafimaad.

Shalay ayaa waxaa Muqdisho yimid diyaarado siday Dawooyin iyo dhaqaatiir oo laga leeyahay Jabuuti iyo Turkiga.

Wali waxaa soconaya gurmadka heerka caalami ah ee loo sameynayo dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]