Xukuumadda Somaliland oo shacabka Soomaaliya ka tacsiyadaysay qaraxii dadka badan ku geeriyoodeen ee Muqdisho ka dhacay
Isniin, Octobar,16, 2017 (HOL)-
Xukuumadda Somaliland ayaa shacabkii waxyeeladdu ka soo gaadhay qaraxii ka
dhacay Muqdisho ka tacsiyadaysay eheladii iyo dadkii ku geeriyooday.
Sidoo kale, waxay xukuumada Somaliland eed usoo jeedisay masuul
Soomaaliya ka tirsan oo bogiisa Twitter ku qoray qoraal uu ku sheegay in
dhibaatooyinka Soomaaliya ku jira ay Somaliland ka dambayso.
“ Qarax naxdin leh oo aad u fool xun oo ay gaysteen dad aan cidna u
naxayn halkaasi oo ay ku geerioodeen boqolaal qof, kuna dhaawacmeen tiro intaas
ka badan, sidaas darteed anigoo ku hadlaya magaca Somaliland waxaan tacsi u
dirayaa qoysaskii yo qaraabadii ay ka baxeen dadkaasi, mid taas la mid ahna
waxaan u dirayaa madaxda iyo shicibka Soomaaliya, waxaan cambaaraynaaa
falalkaas waxashnimadda leh cid kasta oo ka dambaysay”ayuu yidhi wasiirka
Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani.
Waxa kale oo uu Soomaaliya usoo jeediyey inay baadhitaan ku sameeyaan
masuul wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ka tirsan oo hadalo eed ah usoo
jeediyey Somaliland, waxaanu yidhi “waxa la yaab leh in qof masuul ah oo xil ka
haya dawladda Muqdisho uu ku baahiyey Twitter-kiisa inay Somaliland ka dambaysay falalkaasi,
anigu waxaan odhana lahaa ninkaasi laftiisa ayaa baadhis u baahan waayo waxa uu
ku hadlayaa waa majaro habaab”
Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay in sida dadka Muqdisho jooga uga
naxaan waxa ka dhacaya Muqdisho si la mid ah uga naxayaan shacabka Somaliland.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha
xisbiga kulmiye ahna musharaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi ayaa
isna tacsi u diray shacabkii ku geeriyooday Muqdisho ee gacanta ka xaqdarani ku
dishay, waxaanu yidhi “ waa masiibo weyn oo umadaasi ku dhacday waan ka tacsiyadaynayaa
waan ka damqanayaa dhibaato kasta oo qof muslim ah iyo bani’aadam ah ku dhacdo,
aad baan uga damqanayaa dhibaatada dhacday, ilaahay waxaan ka baryeyaa inuu
dhibaatidaasi ka qaado gayiga nabad ku
soo celiyo, inagana tusaale ayey inoo tahay waa inaynu ka fogaanaa khilaafka oo
dhan, saddex boqol ayaa daqiiqad qudha ku nafwaayey iyo sadex boqol oo dhaawac
ah, waa masiibo aduun ilaahay inaga ha inaga hayo iyagana ha ka nabadgalyo
islaamka oo dhan ha ka nabadgaliyo”.
Magaaladda Muqdisho waxa ka dhacay qarax sahayday boqolaal qof oo ku
naf waayey, kuwaas oo ilaa hadda qaarkood la raadinayo jaan iyo cidhib halkii
ay ku dambeeyeen, halka qaarkood hilibkoodu googo’ay oo wajigoodda la garan
waayey, taas oo ahayd masiibo qaran oo umada Soomaaliyeed oo dhan si weyn uga
naxday.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.