4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay saddex maalmood oo Baroordiiq Qaran ah

 

Axad, October, 15, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo ku aadan musiibadii shalay ka dhacday Isgoyska Zoobe, halkaasoo gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa ka tacsiyadeeyay dhammaan dadkii rayidka ahaa ee ku naf waayay qaraxyadaas, isagoo alle uga baryay in jannadii Fardowso ka waraabiyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkan lala beegsaday dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa nolol maalmeedkooda caadiga, isagoo ku eedeeyay in Al-Shabaab inay weerarkan la beegsadeen shacab aan la waxba galabsan, oo ka turjumaya cadaawada ay u qabaan guud ahaan shacabka.

“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana hoos loo dhigo”ayuu yiir Madaxweyne Farmaajo.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, gaar ahaan dadka dhaawaca ah ee jiifa Hosbitaalada.

“Qaraxyadaan waxaa lala bartilmaamsaday waddooyinka ugu mashquulka badan caasumadda, waxaa lagu beegay xilligii ugu saxmadda badnaa taas oo muujinaysa inta ay le egtahay cadaawadda ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed, hadaba aan kaga guulaysanno midnimadeenna iyo wada jirkeena.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa ku amray laamaha ammaanka Dowladda  Federaalka Soomaaliya in ay jawaab cad ka keenaan qaraxan, isla markaana  ay kor u qaadaan howlgallada lagu xaqiijinaayo ammaanka muwaadiniinta.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]