Xiisada u dhaxeysa Turkiga iyo Mareykanka oo wali Cakiran
Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Mareykanka ayaa
weydiistay Dowlada Turkiga inay soo bandhigo haddii ay heyso caddeymo muujinaya
eedaha ay usoo jeediyeen shaqaalo ka tirsan qunsuliyada Mareykanka ee Turkey
iyo dhowr muwaadin oo Mareykan ah oo lagu xiray dalka Turkiga.
Muwaadiniinta Mareykanka ee lagu xiray Turkiga ayaa waxaa ku jira wadaad
ka tirsan Kaniisadda oo lagu magacaabo Andrew Brunson.
Afhayeen u hadashay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo
Heather Nauert, ayaa ugu baaqday Dowladda Turkiga in ay Mareykanka u soo gudbiso
cadeymaha muujinaya in dadkani yihiin argagixiso.
Waxay ka dalabtay xukuumadda Ankara in ay ka dhabeyso balanqaadkeedii ahaa in
dadka la xiray ay u golaan doonto in ay arkaan qareenada matalaya.
Arbacadi, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa khadka
telefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga, Mevlut Cavusoglu. Wuxuu u gudbiyay
walaaca qotada dheer ee ay ka qabaan xiritaanka muwaadiniinta Mareykanka iyo
shaqaalaha qunsuliyada.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa u sheegay Mareykanka in
haddii ay rabaan sii deynta wadaadka lagu magacaabo Adrew Brunson ay usoo gacan
geliyaan wadaadka ay sida aadka u doon dooneyso Dowlada Turkiga, Fethullah
Gulen oo masaafuris iskiis ah u jooga dalkaan Mareykanka.
VOA