Cabdi Warsame oo shalay ku guulaystay doorashada musharaxa Xisbiga DFL-ka (Sawiro & Video)
Axad, May, 21, 2017 (HOL) –Cabdi Warsame ayaa shalay ku guuleystay inuu
noqdo musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee
DFL ka uga qaybgalaya tartanka degmadda Lixaad ee magaalada Minneapolis.waxuuna
helay natiijadii codbixinta 95%, halka musharaxii la tartamaayay uu helay 4%.
Musharax Maxamud Nuur iyo badi
taageerayaashiisii ayaan ka soo qaybgalin dooraashadii shalay ,isagoo hore
warsaxafadeed jimacahii ugu sheegay inuu qaadacay ka qaybgalka doorashada DFL
ka.
Doorashadii xulista ergooyinka ee dhacday 4
Abriil 2017 ayaa hore Cabdi Warsame ugu guulaystay codadkii habeenkaa 68%, shalayna waxa ay
aheed guushiisii labaad ee doorashadan.
Goobtii
doorashada shalay ayaa waxaa ka hadlay madax kala duwan oo laga soo doorto
magaaladda Minneapolis iyo gobolka Minnesota sida Duqa magaaladda iyo
xildhibaano golaha dageenka iyo waliba kuwa sharci dajinta iyagoo taageero u
muujiyeyin in dib loo doorto Cabdi Warsame.
Waxaana maalmahaan isa soo taraayay ururada
taageerada u muujinaayay musharax Cabdi Warsame kuwaas oo kala ah. Minneapolis
Regional Labor Federation, Minnesota Nurses Association, MN State Council SEIU,
International Union of Operating Engineers, Minneapolis Firefighters Local 82.
AFSCME Teamsters.
Cabdirashiid
Simba oo ah taageerayaasha Cabdi Warsame ayaa HOL ku yiri doorashdaan waxay
aheed taariikh ma arkin sanadahii badnaa ee doorashooyinka ka aan shaqeenaayay
cid 95% codkii ergooyinka hela taasna waxay ku tusaysaa in Cabdi uu haysto
taageerada dadka dagmada 6aad ee Minneapolis dagan, Simba waxuu kaloo yiri waxaan ku taageeraynaa Cabdi Warsame waxqabkiisa sadaxdii sano ee la soo dhaafay .
Ugu
danbayntii Abdi Warsame ayaa shalay khudbad dheer uu u jeediyey
taageerayaashiisa uu uga mahadceliyey dadaalka iyo dulqaadka ay muujiyeen isagoo
yiri waxaan rabnaa inaan la sinaano dadka dagan magaaladaan oo aan codkeena
dhiibano ,waxuuna ugu baaqay dadka midnimo ,isagoo si gaara ugu mahadceliyey
qoomiyadda Oromadda ee dagan Minneapolis oo shalay ka dhex muuqday goobta
codbixinta.
Siyad
Said Salah
Hiiraan
Online
[email protected]
Minneapolis
MN