4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2017
Daawo: Farmaajo oo ka hadlaya sababtii uu xafiiskiisa u suray sawirka AHU Aadan Cabdulle Cismaan

 
Sabti, May, 20, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed C/llaahi “Farmaajo” ayaa xafiiskiisa suray sawirka madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan Cadde”.

Madaxweynaha ayaa sawirkiisa ku bedallay kan Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Aadan Cadde, waxaana arrintan ay noqotay mid dad badan soo jiidata, islamarkaana ku cusub xarunta Madaxtooyadda iyo xafiiska shaqo ee Madaxweynaha.

“Markaan arkayo subax walba sawirkiisa, macnaheeda waxay tahay in lagu daydo oo dalkana uu u gudbay dimuqraadiyad, waxaan dooneynaa in aan horumarino dimuqraadiyada, taariikhdna mar walba aan xusno, isna uu ka ahaa astaan wanaagsan”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Aadan Cadde uu yahay Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, oo ku yimid hab Dimoqraadiyad ah, dimoqraadiyadna uga tagay xilli dalalka Afrikaanka aysan fahamsaneyn hannaanka Dimuquraadiyadda.

In xafiiska madaxweynaha la suro sawirka madaxweynaha tallada haya ayaa ah  qodob dastuuri ah, gaar ahaan qodobka 87 Faqradiisa B, hasse ahaatee arintan ayuu madaxweynaha ku tilmaamay dhiiri-galin.

Halkaan ka Daawo: 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia