4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2017
Madaxweynaha Suudaan oo ka cudurdaartay shirka madaxda Islamaanka iyo madaxweyne Trump

 

Jimco, May 19, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ku eedaysan dambiyo dagaal ayaan ka qaybgali doonin shirka ay leeyihiin madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyeyaaasha Muslimiinta, sida ay wakaaladda wararka ee AFP ay ka soo xigatay saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.

Al Bashiir ayaa cudur daar u diray boqor Salmaanka Sacuudiga oo ku martiqaaday shirkaas una sheegay in uusan ka soo qaybgali karin sida ay qortay wakaaladda wararka ee Suna.

Dhaleecayn xoog leh ayaa Maraykanka ka soo gaartay qorshihiisii hore ee ahaa in uu ka qayb galayo shirka hogaamiyeyaasha Carabta iyo Muslimiinta ee Axadda dhacaya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan Ibrahim Ghandour ayaa horay u sheegay in uu rajaynayo in Maraykanku uu cunaqabataynta ka qaado Suudaan bisha todobaad ee sannadkan, wuxuu intaas ku daray in uu rumaysan yahay in Maraykanku uu doonayo in uu caadi ka dhigo calaaqaadka ay leeyihiin.

Cunaqabatayno dhanka dhaqaalaha ah ayaa la saaray Suudaan sannadkii 1997-dii ka dib markii xukuumadda lagu shaambadeeyay dalalka "taageera argagixisada".

Madaxweyne Barack Obama ayaa saxiixay bishii koobaad ee sanadkan amar uu ku dabcinayo cunaqabatayntii saarnayd, arrintaas ayuuna sameeyay wax yar uun ka hor markii uu ka dagayay xilka.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa markaas sheegay in go'aankaas looga gollahaa in laga garaabo dadaallada xukuumadda Suudaan ee ku aadan yaraynta dagaalada dalka gudahiisa ka jira, in ay wax ka qabatay siddii loo caawin lahaa dadka gargaarka u baahan iyo in ay xakamaysay "argagixisada".

Obama ayaa 25 todobaad dib u dhigay yaraynta cunaqabataynta si dawladda Suudaan ay u sii wado isbadalladii ay samaynaysay.

Si kastaba ha ahaatee calaaqaadka Maraykanka iyo Suudaan ayaan dareen la'aan ahayn wakhtiyadii dambe.

Suudaan ayaana ka mid ahayd todobo dal oo maamulka Trump uu soo bandhigay in laga mamnuuco in dadkoodu ay u safraan Maraykanka, dalalka kale ee ku weheliyay waxay kala ahaayeen Soomaaliya, Ciraaq, Liibiya Yemen, Suuriya iyo Iiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]