4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2017
Tababar caafimaad loo qabtay ardey ka kala soctay Jaamacadaha Muqdisho


Jimco, May 19, 2017 (HOL) -Tababar maalin socday oo ku saabsanaa barashada cudurka Boog-calooleedka (Peptic Ulcer Disease) ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka faa’iideystay boqolaal ka mid ah ardayda wax barata kuliyadaha Caafimaadka ee 12 Jaamacadood oo ku yaalla magaalada Muqddisho.

Waxaa soo qaban-qaabiyey tababarkan aqoon kororsiga ahaa Ururka dhaqaatiirta ardayda Soomaaliyeed (Somali Medical Students Association) SOMSA, iyadoo casharo ku saabsan cudurkan uu halkaas ka bixiyey Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan dhaqaatiirta Soomaaliyeed kuna taqasusay cudurada beerka, caloosha iyo dheefshiidka.

Prof. Dufle oo sidoo kale ah Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa ugu horeyn wax lagu farxo oo ugub ah ku tilmaamay in ardayda caafimaadka ee 12 Jaamacadood ay meel kaliya ku kulmaan si ay aqoontooda u kororsadaan, wuxuuna ka waramay ujeedada tababarada noocan ah leeyihiin iyo sida loogu baahan yahay in looga faaiideysto.

Dhinaca kale, Prof. Dufle ayaa guda galay casharkiisa, isagoo si faahfaahsan uga waramay waxaa u yahay cudurka Boog-calooleedka, sababaha keena dhibaatooyinka uu u geysto dadka uu haleelo iyo hababka looga hortago, loona daweeyo, wuxuuna cudurkan ku sifeeyey mid dilaa ah oo loo baahan yahay in lala dagaalamo, isagoo tilmaamay in cudurkan uu yahay mid bulshada Soomaaliyeed ku badan, sidaas awgeedna uu u doortay mowduucan.

Waxaa Profku uu u mahad celiyey ururka SOMSA ee soo qaban-qaabiyey aqoon kororsigan, iyo ardayda ka faa’ideystay intaba wuxuuna ku baaqay in la joogteeyo tababarada noocan ah si garaadka ardayda Soomaaliyeed oo ah hogaamiyeyaashii berito kor loogu qaado.

Prof. Dufle ayaa sidoo kale si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo ku saabsanaa cudurka laga hadlayey kuwaasoo ay soo jeediyeen qaar ka mid ah ardayda Jaamacadaha ee loo qabtay tababarkan.

Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo ka mid ahaa Wasiir ku-xigeenadii soo maray Wasaarada caafimaadka xiligii dowladii Kacaanka oo hadalo kooban ka jeediyey halkaas ayaa ku booriyey ardayda iney ka faa’ideystaan tababarada noocan ah oo uu sheegay iney kor u qaadeyaan garaadkooda aqooneed.

“Tababarkan la xiriiray Cudurka Boog calooleedka waa mid aad u muhiim ah oo loo baahnaa maxaa yeelay shacab Soomaaliyeed oo fara badan ayuu dhibaatooyin badan ku hayaa” ayuu yiri Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan).

Guddoomiyaha ururka Ururka dhaqaatiirta ardayda Soomaaliyeed C/llaahi Maxamuud Tuuryare oo gebagebadii munaasabadaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey Prof. Dufle, ardayda ka faa’iideystay tababarkan iyo martida kala soo qeyb gashay intaba, wuxuuna xusay in ururka SOMSA uu mar walba qabto tababarada noocan ah si kor loogu qaado aqoonta ardayda Soomaaliyeed ee ku howlan barashada Caafimaadka.

Waxaa sidoo kale Munaasabadan hadalo ka jeediyey qaar ka mid ah masuuliyiinta Jaamacadaha, aqoonyahano iyo xubno kale oo ka qeyb galay dhegeysiga casharkan, iyadoo dhinaca kale ardayda ka faa’iideysatay tababarkan ay sheegeen iney wax badan ka kororsadeen, waxayna u mahad celiyeen Prof. Dufle iyo Ururka SOMSA oo qabsoomidiisa iska kaashaday.

Mas’uuliyiintii goob jooga ka aheyd tababarkan ayaa shahaadooyin uu bixiyey ururka SOMSA waxay guddoonsiiyeen ardayda ka faa’ideysatay tababarkan waxayna munaasabadaas ku dhamaatay jawi farxadeed.