4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2017
Koox looga shakisanyahay Al Shabaab oo madax ka toogtay Madaxii Bariga Mandheera

 
Jimco, May, 19, 2017 (HOL)- Booliska iyo sirdoonka dalka Kenya, ayaa baaraya dilka Dekow Sirat, oo ahaa madaxii deegaanka Omar Jillo ee Bariga magaalladda Mandheere ee waqooyi Bari dalka Kenya.

Weerarka waxaa uu dhacay habeenkii isniinta, Al shabaab ayaana looga shakisanyahay dilka, sida Boliiska ay sheegeen.

Dekow Sirat, ayaa waxaa lagu dilay gurigiisa kadib markii Afar Saac oo habeenimo ay weerar kusoo qaadeen koox indhaha ay u xiranyihiin, waxaana saddex jeer ay ka toogteen madaxa, Boliska iyo sirdoonka ayaa sidaasi yiri.

Kooxdii dilka geysatay ayaa usoo cararay dhanka xuduuda Soomaaliya.

“Waxaa ay ka koobnaayeen siddeed qof oo indha ay u xirnaayeen”, sidaasi waxaa yiri dadka degaanka.

Dhinaca kale kooxihii dilka geysatay ayaa la sheegay in sidoo kale ay afduubteen laba askari oo ka tirsan dowladda Kenya.

Degaanka Omar Jillo, ayaa kamid ah degaannadda ay dowladda kusoo rogtay bandhowga.

Khamiistii lasoo dhaafay Al Shabaab ayaa magaalladda Elwak ku bur-buriyay xaruumihii isgaarsiinta ee degaanka.

Al shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliya magaalladda Mandheere ee waqooyi Bari dalka Kenya, waxaana todobadkan ay saddex jeer weeraro ay ka fuliyeen degaano ku dhow xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia