4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2017
Soomaaliland oo ku baaqday in aan cunaqabateynta hubka laga qaadin Soomaaliya


Khamiis, May, 18, 2017 (HOL)- Khamiis,May,18, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa beesha caalamka u soo jeediyey in Soomaaliya laga qaadin cunaqabateynta hubka.

Sidoo kale, waxaa uu madaxweynuhu sheegay in carqaladihii ka hor yimid xukuumadiisa ay u horeyso abaarta baahsan ee dalka ka jirta iyo sicir bararka wadankii saameeyey.

Sidaasna waxa uu ka sheegay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanayso oo uu ugu tallogalay munaasibadda 18 May oo sanad walba maalintan oo kale si weyn loogu dabaal dego.

“Aniga oo madashan iyo munaasibaddan qaran ka faa'iidaysanaya, waxaan ugu baaqayaa dalalka Midowga Yurub, Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Africa, Jaamacadda carabta, dawladaha ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD, in ay garwaaqsadaan qadiyadda Qarannimada Somaliland, isla markaana ixtiraamaan xaqa aaya ka tashiga shacbigayga.Soomaalidu waxay ku maahmaada: "Ninka aan waxa soo socda garani, waxa joogna ma garto".Sidaa darteed, maanta ummadii soomaaliyeed way kala tagtay, waana kala tashatay, oo ma jirto dal iyo dawlad ka dhaxaysa oo ay wadaagaan. Haddaba, haddii qayb ka mid ah laga qaado cuna qabataynta hubka ama ay dunidu hubayso, waxaa hubaal ah in ay tallaabadaasi, u horseedi doonto mandaqadda Geeska Africa xasilooni darro, iyo xurgufo hor leh oo abuura xiisado colaadeed.Waxaan si weyn uga digayaa in qawmiyadda Soomaaliyeed la dhex dhigo utun iyo arami, sabab u noqon karta cawaaqib xumo aan laga soo kaban.”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Waxaanu intaas ku daray “waxaan leeyahay marnaba u dul qaadan mayno, cid kasta oo fad qalale iyo farogelin ku samaysa, ciiddayada iyo calankayaga.Waxaan ugu baaqayaa dalka aanu deriska nahay ee Soomaaliya, in aanu ku wada noolaanno nabad iyo niyad sami. Waxaan leeyahay wakhti ha iskaga luminina riyo iyo dhalanteed aan run ahayn. Waxaan ku celinayaa mar kale, dadka iyo dalka aan odayga u ahay way tashadeen, oo way idinka tageen, oo isku tashadeen, ee duco qabayaal idinkuna tashada, oo iskiin u tashada.Haddii soomaali wada noolaan kari wayday, wuxu caqliga fayobi ina farayaa, in ay iskeed u kala noolaato.”

Dhinaca kale,w axa uu sheegay inuu wax ka qaban doono sicir bararka jirta, waxa kale oo uu tilmaamay in qaadhaanka la ururinayo lagu caawin doono dadka abaaruhu saameeyeen ee miyiga joogta.

Intaas ka dibna waxa uu madaxweynuhu bilaabay inuu beero dhir,waxaanu ugu baaqay bulshadda in deegaanka iyo dhirta la ilaaliyo,isla markaana dhir beeristu qayb ka tahay in la helo cimilo wanaagsan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.