4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 17, 2017
Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya

 

Arbaco, May, 17, 2017 (HOL) – Wararka ka imaanaya Deegaanka Libooyo ee kuyaala xadka Soomaaliya iyo  dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax Miino oo khasaaro uu ka soo gaaray dad shacab ah oo gaari ku safrayay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in gaari shacab saarnaayeen oo ka baxay deegaanka Libooyo kuna sii jeeday magaalada Gaarisa uu Qaraxu haleelay, waxaana khasaaro dhimasho uu ka soo gaaray qaraxaasi dadkii gaariga  saarnaa.

Qaraxa ayaa inta la xaqiijinayo waxaa ku dhintay afar qof oo ka mid ahaa rakaabkii gaariga saarnaa, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaantood ahaa shacab sida ay sheegeen goob jooogayaal.

Ciidamada amaanka Kenya oo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay ayaa  halkaasi ka sameeyay howlgalo, lamana oga in ciidamada amaanka gacanta  kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay qaraxaasi, waxaana qaraxan la tuhmayaa  in loo dhigay ciidamada amaanka balse gaariga shacabka uu haleelay.

Gudaha Kenya waxaa ka dhaca weeraro iyo qaraxyo inta badan lala eegto  ciidamada amaanka, waxaana weeraradaasi lagu eedeeyaa ion ay ka  dambeeyaan dagaalyahanada Al Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]