Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay abaaraha
Sabti, Maarso, 04, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah
ee Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay guddiga
gurmadka abaaraha, waxana ay si gaar ah uga wada hadleen wax u qabashada dadka
Soomaaliyeed ee saameynta ballaaran ay ku yeesheen abaaraha.
Kulankan oo ay guddida gurmadka abaaraha ugu warbixiyeen ra’iisul wasaaraha
waxaa ay soo bandhigeen in xaaladu tahay mid ku adag dadka xoolo dhaqatada ah
iyo duunyadaba, iyagoo hogo tusaaleeyey soona bandhigay in ay jiraan dad ay isugu
darsameen abaaro iyo shuban biyood.
Ra’iisul wasaaraha waxaa uu u balan qaaday in aanay ka xukuumad ahaan waxba
kala hari doonin dadkaasi abaarta haleeshay, haday noqoto gargaarka biyaha,
saadka dadka iyo xoolaha wixii awoodooda ah, guddiguna ay dadaalkooda sii
kordhin doonaan mar walbana si dadka iyo duunyadaba loo badbaadiyo,
“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay
joogaan waxa maanta looga fadhiyaa in ay badbaadiyaan walaalahooda dibaateysan
oo haddii aan wax lala gaarin gaajo u dhiman doona; Waxay noqon doontaa howsha
xukuumaddu maalmaha soo socda mid ku wajahan abaaraha oo kaliya”ayuu yiri
ra'iisal wasaare Xassan Khayre.
Ra’iisul wasaare Khayre ayaa tilmaamay in 48dii saac ee la soo dhaafay ay ku
dhinteen qaar kamid ah gobollada Koonfureed gaar ahaan gobolka Bay dad
tiradoodu gaareyso 110 ruux oo saameeyeen abaaraha iyo cudurka shuban biyood
halkaasi ka dilaacay, isagoona xusay in xiligan loo baahan yahay iskaashi buuxa
iyo wada shaqayn dhex marta shacabka iyo dawladda si wadajir loogu gurmado
dadka Soomaaliyeed ee dhiban.
Ugu danbeyn, waxaa uuu ugu baaqay ganacsatada iyo cid walba oo dhaqaale
haysta in gurmadka qeybtooda ay ka qaataan, isla markaana ay badbaadiyaan dadka
u dhimanaya gaajada iyo haraadka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]