4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2017
Ciidanka dowladda oo Qarax lagula eegtay degmadda Qoryooley

 

Sabti, Maaro, 04, 2017 (HOL)- Duleedka degmadda Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxaa manta lagu weeraray kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Soomaaliya. 

Saddex askari, ayaa ku geeryootay weerarka, waxana loo maleynayaa in dagaalyahano ka tirsan Al shabaab ay qaadeen.

Askartii dhaawacantay ayaa dadka deegaanka waxaa ay sheegeen in loo qaaday xaruunta caafimaad ee AMISOM ay ku leeyihiin degmadda Qoryooley.

" Qaraxa waxaa uu ahaa miino dhulka lagu aasay, mana jirto dad rayid ah oo weerarka uu khasaare kasoo gaaray" wariye ku sugan Shabeellah Hoose, ayaa Hiiraan Online u sheegay. 

Howlgallo saf-dheer ah ayeey ciidamada ka sameynayaan degmadda, gaar ahaa bartii-control ee lagu weeraray kolonyada.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada Qaraxa.

Hassan Istiila
[email protected]