4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2017
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo loo dhaariyay xubinimadiisa Baarlamaanka

 

Sabti, Maaro, 04, 2017 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa manta si rasmi ah uga midnoqday Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii loo dhaariyay xubinimaddiisa Barlamaanka.

Dastuurka Soomaaliya ayaa qeexaya in siyaasigii dalka Madaxweyne ka noqda, in uu si sharci ah u heli karo, xubin ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu noqonayaa xildhibaankii ugu horreeyay ee ka mid noqda barlamaanka isagoo sharci u siinaya Dastuurka Soomaaliya.

Madaxweynayasha kale ee soo mara Soomaaliya, ayaa waxaa ay ku biiri doonaan Barlamaanka sida Xasan Sheekh oo kale, waxaana uu xilalkooda Barlamaan uu sii jiri doonaa mar walba.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa isugu soo haray wareegii ugu dambeeyay ee doorashada Soomaliya, inkastoo Xasan uu tanaasulay, kadib markii uu ogaaday in wareegii saddexaad ee tartanka si weyn looga codbadnaa.

Afartii sano ee lasoo dhaafay ayuu madaxweyne ka ahaa dalka Soomaaliya, Xasan Sheekh, waxaana dalka uu gaarsiiyay meel caalamka uu ka arki karo, iyadoo dowladdaha caalamka ay si rasmi ah u aqoonsadeen dalka Soomaaliya sanadooyin kadib.


Hassan Istiila

[email protected]