4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2017
Afar Qof oo ku dhaawacantay weerar Bambaano oo lagu qaaday maxkamadda darajada 1-aad ee Boosaaso

/images/2017/Mar/

Sabti, Maarso, 04, 201 (HOL) -  Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay Bam gacmeed maanta galinkii hore lagu tuuray dhismaha maxkamad-da darajada koowaad ee magaalada Bosaaso sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah.

Weerarkan ayaa dhacay ,iyadoo maxkamadda ay ka socotay dhagaysiga dacwadaha madaniga ah ee maalin walba oo sabti ah la qaado ,waxaana lagu soo waramayaa in weerarkan ay fuliyeen laba dhalinyaro ah oo markii danbe goobta ka baxsday.

Dadka ku dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso , mana jirin cid ka tirsan maamulka maxkamad-da oo weerarkan ay waxyeelo ka soo gaartay ,kaasi oo laga maqlay qaybo kamid ah suuqa weyn ee Bosaaso.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga gobolka Bari oo goobta soo gaaray ayaa howl-galo kooban ka fuliyay agagaarka maxkamad-da ,lamana xaqiijin karo in ay jirto cid gaar ah oo weerarkan bambaano loo xiray.

Ugu danbayn , Magaalada Bosaaso oo ay ku sugan-yihiin madaxda ugu saraysa Puntland ayaa amnigeeda aad loo adkeeyay maalmihii la soo dhaafay ,iyada oo ay jiraan ciidamo dheeraad ah oo habeenkii qaabilsan sugid-da amniga.

Hiiraan Online News Desk